|
Muqdisho,(insidesoamlia.org)- Ra段isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ka qeybqaadanayay Barnaamijka hadal-heynta todobaadka ee Jimco kasta ka baxa Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in furaha kaliya ee lagu gaari karo nabad waarta ay tahay dib u heshiisiin.
擢uraha kaliya ee Nabad Waarta lagu gaari karo waa Dib u heshiisiinta, meel wanaagsan ayayna mareysaa蚤yuu yiri Ra段isal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in heshiiskii ay dhinacyada Dowladda Federalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay ku gaareen Magaalada Djibouti mar kale dhawaan si rasmi ah loogu saxiixi doono Dalka Sacuudiga.
Ra段isal Wasaaraha ayaa intii uu Barnaamijka ka qeybqaadanayay waxaa uu tallooyin ka guddoomay Dad Idaacadda soo wacay oo uu ugu horeeyay Prof. Cali Cabdiraxmaan Xirsi oo Ra段isal Wasaaraha ku ammaanay in uu ku shaqeynayo ballanqaadkii uu bixiyay markii la soo magacaabay, kaasi oo ahaa in uu dib u heshiisiinta ka shaqeyn doono, cid kastana uu la hadli doono, isagoo ugu dambeyntiina kula dardaarmay Ra段isal Wasaaraha in uu ku sii socdo dariiqa uu hadda ku socdo.
Mar wax laga weydiiyay Ra段isal Wasaaraha goorta ay Xukuumaddiisa Muqdisho ku soo celineyso dadkii ku barakacay dagalladii Muqdisho ka dhacay, waxaa uu sheegay in uu socdo dadaal arrintaas ku saabsan, wuxuuna dadka ka codsaday in ay dul-qaataan inta yar laga dhameystirayo dadaallo arrintaas lagu doonayo.
Ra段isal Wasaaraha oo isla qodobkaas ka sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay si weyn u dhibeyso dhibaatada ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in uusan marna ogolaan karin in ay dadkii Muqdisho ka barakacay ku noolaadaan meelo aan munaasib u ahayn, isla markaana dhibaatadaas lagu sii hayo.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay Ra段isal Wasaare Nuur Cadde in uu jiro khilaaf sida uu yiri aan buurneyn oo soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowladda, wuxuuse sheegay in uusan khilaafkaas ahayn mid lagu kala tegay oo gebi ahaanba meesha ka saaraya hannaanka Dowladeed ee hadda jira.
Saameynta ay dadaallada dib u heshiineed ku yeelan karaan khilaafka soo kala dhexgalay Madaxda Dowladda ayaa wuxuu sheegay in uusan wax saameyn ku yeelan doonin, wuxuuna caddeeyay in ay dadaallada dib u heshiisiineed sii socon doonaan xitaa haddii uu isaga meesha ka tago.
Waxaa wax laga weydiiyay qoraal uu dhawaan soo saaray Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre, kaasi oo uu xusnaa qodob sheegayay in Ra段isal Wasaaraha uu ku qaldanaa xil ka qaadistii uu ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, wuxuuna Ra段isal Wasaaraha oo arintaas ka jawaabayay uu sheegay in Xeer ilaaliyaha uusan shaqo ku lahayn in uu ka hadlo arrimaha is-heysadka madaxda Dowladda, arrintaasna ay khuseyn lahayd Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka, oo sida uu yiri aan haatan dhisneyn.
Xeer Ilaaliyaha ayuu ugu baaqay Ra段isal Wasaare Nuur Cadde in uusan sameynin wax sharciga ka hor-imaanaya, wuxuuna sheegay in Xeer ilaaliyaha howshiisa ay tahay kaliya in uu sharciga ilaaliyo, isla markaana dacwado soo oogo marka dembiyo la galo.
Ugu dambeyntiina, Ra段isal Wasaaraha oo uu wax ka weydiiyay Wariyihii Barnaamijka daadihinayay waxa uu ka leeyahay eedo loo jeediyo oo ku saabsan in uusan Saxaafadaha gudaha la hadalkeeda jeceleyn ayaa wuxuu Ra段isal Wasaare Nuur Cadde sheegay in taasi lagu sheego, wuxuuna soo hadal qaaday inuu mar xitaa Sawir Cartoon ah oo arrintaas la xiriirta uu ka sameeyay Amiin Caamir oo ku tilmaamayay in uu saxaafadda gudaha iska diido, isla markaana uu ogolaado kaliya saxaafadda dibadda, wuxuuse sheegay in uu taasi u qaadanayo Sawir kaftan ah.
|